Magacaabistii Farmaajo ee Mahdi Guuleed waa sharci-darro (Eeg qodob dastuuri)



Muqdisho July 26 2020 – (Federaalka & Dastuurka) – July 26, 2020 – Sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka waxaa sharci darro noqoneysa in madaxweyne Farmaajo uu ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda u magacaabo sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha dalka.

Qodobka 103-aad ee dastuurka dalka waxa uu qeexayaa xil-gaarsiinta xukuumadda ee inta madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo wasiirka koowaad ee xukuumadda bedeleysa.

Qodobkaas waxuu dhigayaa in Ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirrada ay xilka sii heynayaan, iyaga oo shaqada dowladda sii gudanaya illaa xukuumadda lasoo dhiso ay kala wareegto.

Qodobka 103-aad ee dastuurka ayaa u dhigan sidan, “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.”

Kadib markii guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqay in xildhibaanadu ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre, durbadii Madaxweyne Farmaajo waxa uu sameeyey magacaabis cusub.

Madaxweynaha oo wareegtadiisa ku balan-qaaday in uu deg-deg u soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub ayaa ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed u magacaabay sii-hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha dalka, taas oo sida uu dhigayo dastuurku sharci darro ah.

Dastuurku waxa uu dhigayaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu shaqada u sii wado si caadi ah, isaga iyo golihiisa wasiirrada, isla markaana uu xilka ku wareejiyo Ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabi doono Madaxweynuhu, balse ma dhicin.

Inkasta oo Kheyre markii dambe is-casilay, haddana madaxweynuhu wuxuu sharci-darrada sameeyey taas ka hor.


Moment TOOSINTA oo shaaca ka qaaday siduu u arko xil ka qaadista Kheyre


Muqdisho (Moment Online) –
TOOSINTA FEDERAALKA & DASTUURKA, ayaa sharci-darro ku tilmaamay habka loo maray xil ka qaadista ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shalay sheegay inay xilka ka qaadeen ra’iisul wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre, kaasi oo saacado kadib isna sheegay inuu iscasilay.

TOOSINTA FEDERAALKA & DASTUURKA ayaa sheegay in baarlamanka uu sharci ahaan leeyahay awood uu xilka uga qaado ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee in la jebiyey xeer hoosaadka baarlamanka, taasi oo tallaabadaas ka dhigay mid sharci darro ah.

Moment TOOSINTA waxa uu sheegay in marka hore ay ahayd in la eedeeyo xukuumadda, kadibna la siiyo fursad ay isku difaacdo, markaas kadibna loo qaado codka kalsoonida, arrimahaas oo dhammaantood aan la sameyn.

Waxa uu sheegay in baarlamanka laga yaabo inuu haystay codad ku filan oo lagu ridi karay xukuumadda Kheyre, balse usuan garaneyn sababta ay uga cabsadeen inay nidaam sharci ah maraan.

Xil ka qaadista Kheyre ayaa waxaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamay oo dhaleeceeyey Midowga Yurub oo sheegay “in hanaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada xukuumadda uusan buuxin xitaa shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah.”

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre ay dib u dhac ku tahay isbedellada horumar ee ka socday Soomaaliya.





Daawo KHEYRE: “Waxaan go’aansaday inaan umadda u noqdo tusaale oo is-casilo”

CFCB8965-A6F7-4DE6-B811-749DEE68F18B

Muqdisho ( Toosinta Federaalka & Dastuurka ) – Ra’iisul wasaarihii xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa shaaciyey in uu is-casilay, kadib markii guddoomiyaha golaha shacabka uu maanta ku dhawaaqay in xildhibaanadu kalsoonidii kala noqdeen xukuumaddiisa

Waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii ummadda Soomaaliyeed u hayay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Kheyre ayaa carabka ku adkeeyey in uu garwaaqsanyahay in wixii maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka aysan sharci aheyn, balse uu u tanaasulay umadda Soomaaliyeed si uu tusaale ugu noqdo, sida uu sheegay.

“Aniga oo og In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, In xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka. Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho,” ayuu yiri Kheyre.

“Waxaan ka shaqeynay isu keenidda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaan isugu keenay Dhuusamareeb, si go’aan loo dhanyahay looga gaaro doorashada dalka ku soo fool leh, iskastoo kulamadii Dhuusaamreeb laga gaaray horumar, hadana waxaa muutada in weli uu jiro fekerkii ku aadanaa mudo kororsiga, oo salka ku hayey wixii maanta ka dhacay golaha shacabka, oo aan mar hore ka digay, isla markaana aan aaminsanahay in qal qal uu dalka ku keeni karo, hadana dadka Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa in ay khasab tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo afartii sanaba mar,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Hoos ka Daawo

Leave a comment