15 May Maalinqaddarin mudan

IMG_179215 May Maalinqaddarin mudan


The Nation of Poets + Bulsho waxay tabardaraysaa marka uu soo dhex galo cunsur sabab u noqda taagddaradeeda, sida jirka dadka oo kale oo marka uu soo dhex galo “Germs” ama waxa loo yaqaan “Virus”, ka dibna jirka intiisa kale taagdareeyo, wuxuu jirku bilaabaa qaylo-dhaan uu isku difaaco.

Haddii jirku uu ka awood roonaado balaayada soo dhexgashay, durba waxqabadkii jirka ayaa caadi ku soo noqdaa(normal), haddiise loo awood sheegto, qofka wuxuu noqdaa bukaan.

Sidaas awgeed, waxaad mooddaa in Soomaaliya laga awood roonaaday ayna noqotay “Bukaankii Afrika”(The sick man of Africa), waxa ay la ildaran tahayna uu yahay cudurka qabyaaladda. Dawadeedna waxa ay tahay in marka hore aynu ku qanacno in waxa na hayo uu yahay cudur.

Soomaalida, intooda badan ma qabaan in qabyaaladda la’aanteeda ay noolaan karaan, sidaas ayay had iyo jeer la ildaran yihiin cudurkaas asiga ah. Wuxuu dadkayaga ku riday cabsi xoog badan (Psychological fear).

Suugaanta Soomaalida guud ahaan, waxay na bartay raadadka murugada badan iyo dhiilada qabyaaladu ay dhex dhigtay shacbiga Soomaaliyeed. Wax ay dumiso mooyee, wax ay dhisto la waa.

Xeerka ay dhigatay Ururkii SYL ee 15kii May dhidibada loo aasay, kuna guulaystay hanashada Gobonimada maanta ku naaloonayno, waxaa ka mid ahaa “In qabyaaladda laga fogaado”. Odoyaashu waxay ogaaayeen in qabyaalddu ay tahay cunsur cududda shacbigu lagu kala dhantaali karo, haddana SYL way ka badbaadi wayday halisteeda.

Ururkii haybaddaas wayn lahaa ee SYL, qabyaaladdu waxay dhaxalsiisay in shaqsiyaadkii gacansaarka la lahaa Gumaysiga Taliyaaniga loo oggolaado in ay ku soo biiraan Golohiisa Dhexe, taasoo keentay tan iyo maanta gefkii dhacay loo xallin la’yahay.

Qaloocaas ku yimid dhaqdhaqaaqii Gobonimodoonka SYL, waxay keentay in SYL uu u kala jabo laba qaybood oo mid uu hoggaaminayay Guddoomihii SYL mudane Xaaji Maxamed Xuseen ee xilligaas ( Alle Ha Naxriistee) iyo midka kale oo isagana hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenkii Ururkaas Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (AHN).

Khilaafkaas waxaa sabab u ahaa faragellinta Gumaysiga SYL dhexdeeda, wuxuuna qasbay in Guddoomiyihii Ururkaas oo asiga aad uga soo horjeeday faragellintaas uu Xisbiga isaga tago, taariikhdu markay ku beegnayd , 22/5/1958, kuna dhiiraday isla sanadkaas, 25/5/ 1958, uu albaabada u furo Xisbigii caanka ahaa ee (Great Somali leaque), ka dibna waxaa dhashay xisbigii Hantiwadaagga ee uu mudane Barda Cad hoggaaminayay, sagaal (9) sano ka dibna, waxaa asigana Hoggaanka SYL ka baxay, Xoghayihii Guud ee Xisbigaas, mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen(AHN), ka dib markii uu ku qanci waayay heshiiskii Caruusha (Tanzaaniya) ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya, taariikhdu markay ku beegnayd 28kii Oktoobar 1967kii, kuna dhowaaqay xisbigii DABKA.

Inkastoo SYL, dhabbihii loogu wanqalay laga leexiyay, hoggaankeedana gacanta ku dhigay canaasiirtii gacan-saarka la lahaa Gumaysiga Taliyaaniga, haddana 15MAY weli way mudan tahay qaddarin, waxay nagu dhiirigelisay in aynu qaadi karno halgan siyaasadeed iyo mid hubaysan oo aynu ku soo dhacsan karno gobonimadeena. Waxay hurddada ka toosisay guud ahaan shacbiga Soomaliyeed meel kastoo ay ku noolaayeen gudaha iyo dibadda.

Waxay u horseedday Kacdoonadii ka dhanka ahaa Gumaysiga, iyo gaaritaanka riyadii Soomaaliya oo ahayd in mar la gaaro Gobonimo iyo midnimo taam ah. Kacdoonadaas waxa ka mid ahaa kii looga soo horjeeday Shirkad Batroolka baarta (Sinclair Oil Company) oo soo gaartay degaanka “Cagaar weyn” ee Gobolka Jigjiga sanadkii 1948. Kacdoonkaas waxaa hoggaaminaayay Guddoomiyaha SYL, mudane Xaaji Maxamed Xuseen oo markii dambe xabsiga Jigjigga la dhigay.

Sanadkii 1952kii waxaa fal xanuun badan leh ka dhacay magaalada Kismaayo, ka dib markii halkaas ka dhacay mudaaharaad looga soo horjeeday booqasho uu ku imaanayay Xaakimkii Taliyaaniga u joogay Soomaaliya. Waxaa halkaas ka dhacay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dad fara badan xabsiga loo taxaabay, kuwaas uu ka mid ah madaxii faraca SYL ee Kismaayo, mudane Aadan Cartan oo lagu xukumay Xabsi dhan 24 sano, halka toban(10) qof oo kalena lagu xukumay 16 sano xarig ah.

Sanadkii 1959,waxaa magaalada Muqdishow ka dhacay mudaaharaad looga soo horjeeday mu’aamaraad la doonayay in la qabto doorashooyin la rabay in talada Dalka gacanta loogu geliyo canaasiirtii gacansaarka la lahaa Gumaysiga Taliyaaniga.
Doorashooyinkaas waxaa qaadacay dhamaan Xisbiyadii mucaaradka ahaa oo uu Hogaaminayay Xisbigii “GSL”(Great Somali Leaque). Dhacdadaas murugada leh waxay sababtay geeri iyo dhaawac fara badan, iyo iyadoo isla markaana xabsiga loo taxaabay in ka badan 280 qof oo Soomaali ah oo uu ka mid ahaa Guddoomiyii Xisbiga “GSL” Mudane Xaaji Maxamed Xuseen.
Aqoontu way yareed, waayo aragnimo siyaasadeed iyo mid Dowladeedna warkeeda daa, dhaqaalle howlaha siyaadda lagu furddaamiyana ma jirin, haddana dhallinyaradaas 13ka ka koobnaa oo kaashanayay awoodda dadeed ee shacbiga Soomaliyeed, waxay awoodeen in ay ku guulaystaan, in fariintooda siyaasadeed iyo arragtidooda ku aaddanayd halganka gobonimada ay gaar siiyaan dhammaan Geyiga Soomaaliyeed, waxay ku dhiiradeen in ay sutida u qabtaan halgan dheer oo lagu gaaray Gobonimada iyo midnimada shacbiga Soomaaliyeed ay manta harsanayso. Taas ayaa ka dhigtay 15ka May, maalin taariikhi ah oo loo dabaalddego.

Halgankaas 15kii May bilowday weli halkiis ayuu inoo joogaa, marba haddii mar labaad qabyaaladdu loo adeegsanayo aalad lagu kala dhantaalo cududda shacbiga Soomaaliyeed, laguna kala qaybinayo dhulka Soomaaliyeed. Fariintii SYL muddo imminka laga joogo 73 sano ay gaarsiisay shacbiga Soomaaliyeed, maanta ayay istaahishaa in boorka laga jafo, laguna dhaqaaqo kacdoon lagu samata bixinayo Soomaaliya, kana dhan ah dulmiga qabyaaladda, looguna hortagayo nacaybka iyo cadawtinimada la dhex dhigay shacbiga Soomaaliyeed.

Welwelkii ay 13kaas dhallinyaro ee dhidibada u aasay dhaqdhaqaaqii SYL ay ka qabeen qabyaaladdu, maanta ay si xoog leh uga muuqataa dhammaan geyigga Soomaaliyeed.
Waxaad eegtaa qalalaasaha siyaasadeed ee maanta ka jira dhamaan geyiga Soomaaliyeed, waxaad u fiirsataa hallista ka soo cusboonaatay Soomaaliland, Khaatumo iyo Puntland. Bal u kuurkal dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee is diiddan oo ka jira Gobolada Dhexe iyo Hiiraan. Waxaad si miyir leh u eegtaa xaaladda xanuunka badan ee ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Shabeelooyinka iyo weliba muranka ka dhex aloosan maamulka loogu yeero Jubbaland, dhammaan waxaa sal u ah qabyaaladda oo dad gaar ah ku doonayaan in ay ku gaaraan salddano siyaasadeed, iyo quwado shisheeye oo si istiraatiiji ah u doonaya in Soomaaliya ku soo noqon awooddii lahayd berisamaadkii. Haddii sanadkii 1884kii Soomaaliya loo qaybiyay shan(5) qaybood, waxaa maanta la doonaya in Jamhuuriyaddii Soomaaliya loo yakleelay 1960, loo kala qaybiyo shan(5) Maamul Beeleed oo siman.

 

15 May Maalinqaddarin mudan

 

Leave a comment